Dagaal culus oo ka dhacay deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

Published: September 7, 2022
Shares64

Dagaalo xoogan ayaa xalay markale ciidamada la baxay dib xureynta deegaanka iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Ceeleey oo qiyaas ahaan degmada Maxaas u jirta ilaa 30KM.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay weerareen degaanka Ceeleey oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka degaanka ee Macawiisleyda, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal saacado badan qaatay oo soo bilowday gelinkii dambe ee shaley.

Inta la xaqiijiyay dagaalka waxaa ku dhintay in ka badan 10 ruux oo isugu jira dhinacyada dirirta dhexmartay, iyadoo dhaawacyada dagaalkaasi ka dhashayna tiradooda intaasi ka badan tahay.

Tan iyo markii Al-shabaab dadka shacabka ahaa ay ku laayeen deegaanka Afar irdood ee gobolka Hiiraan waxaa kordhay weerarada ciidamada deegaanka uga jawaabayaan falkii Al-shabaab.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *