Dagaal culus oo ka dhacay degaan ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

Published: August 3, 2022

Dagaal culus oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degaanka Golweyn oo hoostaga degmada Buulo-mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay Ciidamada Uganda ee kamid ah howlgalka ATMIS iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo weerar gaadmo ah ku soo qaaday kuwa ATMIS.

Dadka degaanka ayaa sheegay in Ciidamada Uganda intii uu socday dagaalka ay tiro madaafiic ah ku tuurayeen dhinaca laga soo weeraray.

Weli ma la sheegin khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac ee dagaalamay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *