Dagaal culus oo ka socda  deegaan katirsan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan

Published: February 15, 2023

Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Dowladda Federaalka iyo Ururka Al-Shabaab ayaa maanta ka socda  deegaan hoos taga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Dagaalkan uu ka dhashay khasaare kala duwan ayaa ka socda degaanka lagu magacaabo Inji ee degmada Jalalaqsi.

Warka ka soo baxay dhinaca Dowladda ayaa lagu sheegay in weerarka ay qaadeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in weerarka uu yimid kadib markii ay heleen xogta Al-shabaab oo doonayey inay dhinaca kale uga gudbaan wabiga Shabeelle

Dagaalka oo weli socda ayaa wararka hordhaca ah ee laga heleyno waxay sheegayaan in khasaare culus uu soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamaya.

Horseed Media