Dagaal culus oo ka socda duleedka Magaalada Laascaanood  

Published: February 27, 2023
Shares18

Dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo xoogaga dadka degaanka ayaa saaka ka bilowday goobta loo yaqaan Maraaga ee duleedka Magaalada Laascaanood.

Ciidamada Somaliland ayaa lagu soo waramayaa inay weerar saddex jiho ah ku soo qaaday ciidamada dadka degaanka. 

Weerarka kadib waxaa illaa iyo hataan socda dagaal culus oo dadka degaanka isaga difaacayaan duulaanka ciidamada Somaliland.

Dagaalkan ayaa ku soo beegamaya xilli uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku wargeliyay Beesha Caalamka in uu xabbad-joojin samaynayo.

Horseed Media