Dagaal culus oo maanta mar kale ka socda duleedka Magaalada Laascaanood

Published: February 28, 2023
Shares2

Dagaal culus ayaa maanta mar kale ka socda duleedka Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Ciidamada Somaliland ayaa duulaan xoogan kusoo qaaday Galbeedka magaalada gaar ahaan meel ku aadan xerada Gooja-cadde.

Taliyaha ciidanka Somaliland ee Sool Jen. Mahad Cambaashe oo maalmo kahor laga qabsaday agagaarkan ayaa hadda doonaya in uu dib u qabsado.

Ciidanka deegaanka ayaa iska difaacaya weerarkaas islamarkaana ciidamada Somaliland ku khasbay in ay  dib ugu noqdaan Gooja-cadde. 

Horseed Media