Dagaal Fool Ka Fool ah oo Dhexmaray Ciidamada Turkiga iyo Siiriya

Published: February 3, 2020

Ugu yaraan afar askari oo Turkish ah iyo 35 Askari oo Siiriyaan ah ayaa ku dhintay dagaal fool ka fool ah oo dhexmaray ciidamada labada wadan gogobolka Idlib ee waqooyi galbeed ee Suuriya.

Sagaal askari ayaa sidoo kale dhaawacyo soo gaareen ka dib markii ciidamada Siiriya ay madaafiic ku soo liishaameen saldhigyada Milateriga Turkiga, sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda Gashaandhiga Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ergogen ayaaa sheegay in ciidamadiisu ay bartilmaameesadeen 40 xarumood oo ay leeyihiin ciidamada Siiriya iyagoo kaga aargudanaya weerarka ay ku soo qaadeen ciidamada Turkiga.

“ Ma Aamusayno, waxaanu sii wadaynayaa jawaabaha milateri ee aanu ka bixinayno gardarada Rajiimka Siirya , Waan u sheegnay Ruushka  inay noo baneeyaan wadayada oo aysan garab istaagin” ayuu yiri madaxweynaha Turkiga

Ciidamada Turkiga ayaa ka howlgala Gobolka Idlib oo ay gacanta ku hayaan mucaaradka Suuriya. Gobolkan waxaa ku nool ilaa 3 Milyan oo qof oo u Badan barakacayaal ka soo cararay gobolada kale ee Siiriya.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *