Dagaal qasaara sababay oo xalay ka dhacay Muqdisho

Published: February 7, 2012

Hal ruux oo rayid ah ayaa ku dhintay shan kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kadib marki uu xalay dagaal ku dhaxmaray Xeradi Asluubta ee duleedka Muqdisho Xarakada Al Shabaab iyo ciidamada dowlada KMG.

Dagaalka ayaa ka danbeeyey kadib marki xarakada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada dowlada ay ku leeyihiin Asluubta oo wax yar u jira isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee koontaroolka laga soo galo Muqdisho.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxa madaafiic ugu tagtay deegaanka Garasbaaleey oo ka mid ah meelaha loo barakacay ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidamada dowlada ee aaga Ex-koontarool Axmed Yare ayaa u sheegay warbaahinta dowlada in ay iska caabiyeen kooxihi soo weeraray, isla markaana aysan jirin wax qasaara ah oo soo gaaray.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al Shabaab, hase yeeshee dagaalki xalay wuxuu qeyb ka yahay dagaalada joogtada ah ee ay Shabaabka kusoo qaadaan aagaga dagaalka ee ciidamada dowlada.

 

Horseed Media