Dagaal sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay degmadda Afgooye

Published: May 30, 2022

C iidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al-shabaab xalay saqdii dhexe dagaal ku dhexmaray degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen gudaha degmada Afgooye.

Dadka degmadda ku nool ayaa sheegay in labada dhinac ay isku adeegsadeen mudadii uu dagaalka socday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa la tilmaamay in xoogiisa uu ka dhacay Buundada yar ee degmada Afgooye, halkaas oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamada dowladda Soomaaliya.

SIdoo kale inta la xaqiijiyay dagaalka ka dhashay khasaare ka kooban dhimashada hal qof iyo dhaawaca laba ruux oo kale.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada Xalay dirirtu ku dhexmartay gudaha degmada Afgooye oo la xariirta khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *