Dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda & Al-shabaab oo ka dhacay deegaanka Qaayib

Published: November 25, 2022
Shares38

Dagaal culus ayaa ka dhacay deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo deegaanka ku sugan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ururka Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen deegaankaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada Darawishta Galmudug, kuwa dadka deegaanka iyo kuwa Xooga Dalka.

Weerarkan oo ku biloowday qarax ayaa ilaa hadda la ogeyn khasaaraha rasmiga ah, iyada oo ilo ku sugan magaalada Baxdo oo u dhow deegaanka Qaayib ay sheegeen in Isbitaalka magaaladaas la keenay dhaawacyo.

Warbaahinta dowladda ayaa dhinaca kale sheegtay in ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka ay fashiliyeen sadex qarax oo Al-shabaab ay doonayeen in ay ku gaystaan waxyeelo.

Ururka Al-shabaab ayaa horey u burburisay isgaarsiinta deegaanka Qaayib, waana markii labaad oo dagaallo u dhexeeya Al-shabaab iyo ciidamada huwanta ay ka qaraxaan deegaankan.

Horseed Media