Dagaal u dhexeeya Ciidamada Puntland & Somaliland oo ka dhacay degaanka tirsan Gobolka Cayn 

Published: November 22, 2022

Dagaal u dhexeeya Ciidamada Puntland iyo Somaliland oo khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa ka dhacay degaanka Qararro oo ka tirsan Gobolka Cayn.

Inta la xaqiijiyay laba askari ayaa ku dhintay dagaalka halka ay ku dhaawacmeen lix askari oo kale.

Xaaladda ayaa ah mid kacsan, iyadoo weli xiisad dagaal ay ka taagan degaanka Qararro sida ay sheegayaan dadka deegaankaas.

Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa ku dagaalamay deegaanno katirsan gobollada Sool iyo Sanaag kuwaas oo ay weli isku horfadhiyaan.

Horseed Media