Dagaal u dhexeeya DFS iyo Jubbaland oo Ka Qarxay Beledxaawo

Published: March 2, 2020

Wararka ka imaanaya magaaladda Beledxaawo ee gobolka Gado ayaa sheegaya in halkaasi uu ka qarxay dagaal u dhexeeye ciidamada dowladda federaalka iyo Ciidamo daacad u ah wasiirka amniga Jubbaland.

Dagaalkan oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan Hubka culus waxaa uu ka socdaa xero ay ku jiraan ciidamo uu wato Wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Jannan.Dagaalka xoogiisu wuxuu ka socdaa meel u dhow xadka degaanka mandheera ee waqooyi bari Kenya

Ma jiro wax wax war ah oo ka soo baxay dowladda federaalka iyo jubbaland , sidoo kale ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka oo ah mid culus.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa ka taagnaa degaanka Beledxaawo xiisad u dhexaysa Ciidamo dowladda federaalku gaystay gobolka iyo ciidamo uu wato wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Jannan oo isagu hore uga soo baxsaday xabsi ku yaal magaaladda muqdisho. Wasiirka ayaa loo haysto dambiyo uu ka galay gobolka Gedo.

Dhinaca kale, Xiisada ka taagan gobolka Gedo ayaa sababtay in dowladda Federaalku ku eedayso dowladda kenya inay faragalin ku hayso arrimaheeda gudaha. Dowladda Kenya ayaa beenisay inay eedamahaasi.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *