Rasaas weli ka dhacaysa Hotel Xayaat ee magaalada Muqdisho

Published: August 20, 2022

Rasaas goos-goos ah ayaa weli laga maqlayaa Hotelka Xayaat ee Muqdisho. Ciidamada dowladda ayaa weli hoteelka kula dagaalamaya haraadiga kooxdii xaley weerarka ku qaaday Hoteelkaasi.

Ilaa 7 nin oo Al-shabab ah oo ku hubeysan qoryaha AK-ga iyo bombooyiin ayaa la xaqiijiyay in ay gudaha u galeen hoteelka fiidnimadii Jimcada.

Inkastoo inta badan weerarka la soo af-jaray , waxaa la xaqiijiyay in weli mid kamid kooxda soo qaaday weerarka uu gudaha ka dagaalamayo.

Hotelkan oo ku yaala mid kamid ah waddooyinka laga galo garoonka diyaaraadaha Aadan Cadde ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ay AlShabaab fuliyaan noociisa oo kale sanadkan 2022.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *