Dagaal xalay ka dhacay Baladweyne iyo ciidamada Itoobiya oo saaka howlgalo ka sameeyey

Published: February 5, 2012

Iska hor imaad ayaa xalay ku dhexmaray magaalada Baladweyne ciidamada Itoobiya iyo kooxo hubeysan.

Dagaalka oo socday mudo kooban ayaa ka danbeeyey marki rag hubeysan ay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin xaafada H/wadaag ee magaalada Baladweyn.

Lama oga kooxaha weerarka qaaday hase yeeshee waxaa loo maleynayaa Al Shabaab sida ay sheegayaan dadka saraakiisha ciidanka dowlada ee ku sugan Baladweyne.

Dhanka kale ciidamada Itoobiya ayaa saakay howlgalo ka wada xaafadi uu xalay dagaalka ka dhacay, waxaana la sheegayaa in ay qab qabteen dad u badnaa dhalinyaro.

Tan iyo marki ay magaalada Baladweyne dageen ciidamada Itoobiya waxaa jiray weeraro u badnaa qaraxyo oo lala eeganayey.

 

Horseed Media