Dagaal xoogan oo maalintii 8aad ka socdo Magaalada Laascaanood

Published: February 14, 2023
Dagaalkii Laascaanood oo maalintii lixaad galay iyadoo aysan dhaqan gelin xabbad joojintii Somaliland

Dagaal xoogan ayaa maalintii sideedaad ka socdo Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ayaa ku dagaalamaya duleedka magaaladaasi, dagaalka xoogiisuna uu ka socdo jiidda bari.

Dadka ku haray magaalada ayaa sheegaya inay madaafiic ku soo dhaceyso xaafadaha magaalada, isla-markaana ay jiraan tiro guryo ah oo ku gubtay.

Dagaalkan ayaa noqonaya mid ka mida dagaaladii ugu qaraaraa ee Laascaanood ka dhaca.

Horseed Media