Dagaal xooggan oo ka dhacay gobolka Hiiraan

Published: February 16, 2023

Dagaal culus oo u dhexeya Ciidamadda dawladda Federaalka oo kaashanaya kuwa degaanka iyo Alshabaab ayaa maanta ka dhacay gobolka Hiiraan.

Dagaalkan ayaa ka dhacay degaanka lagu magacaabo Afcad oo u dhaxeeya Degmooyinka Jalalaqsi iyo Buula burte ee gobolka Hiiraan.

Inkastoo Saraakiisha Ciidamada iyo Maamulka Hirshabelle aanay weli ka hadlin khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, haddana ilo wareedyadu waxay sheegayaan in dhimasho badan oo labada dhinac ahi ay jirto.

Dhanka kale dad badan oo kuwa deegaanka ah ayaa ku barakacay dagaalka saacadaha badan ka socday deegaankaasi.

Dagaalkan ayaa noqonaya kiisii ugu saacadaha badnaa ee ka dhaca Gobolka Hiiraan, oo bishii September xudun u noqday kacdoonka dadweyne ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kana bilowday Hirshabelle.

Horseed Media