Dagaalka ka socda dalka Suudaan oo galay maalintii saddexaad

Published: April 17, 2023
Shares2

Dalka Suudaan waxaa maalintii saddexaad ka socda dagaal culus oo u dhexeeya ciidanka mileteriga dalkaasi iyo ka ciidamada birmadka magacooda loo soo gaabiyo RSF.

Dagaalkan u dhaxeeya labada ciidan ayaa lasoo sheegayaa inuu ku fiday magaalooyin hor leh.

Dad ka badan 100 qof ayaa ku dhintay dagaalkan maalintii saddexaad galay waxaana ku dhaawacmay tiro intaasi ka badan.

Qaybo badan oo ka mid ah magaalada caasimadda ah ee  Khartuum waxa ka maqan adeegyadii Korontada iyo biyaha, sidoo kale waxa joogsaday diyaaradihi halkaas ka degi jirey iyo duulimaayadii adeegsan jirey hawada waddankaasi.

Ciidamada dagaalku ku dhex marayo dalkani ayaan ilaa hadda dheg u dhigin baaqyada caalamiga ah ee ku aaddan sidii wadahadal loogu dhamayn lahaa colaaddan sii baahaysa.

Horseed Media