Dagaalka ka socda Falastiin maalintii 2aad iyo Xisbullah oo duqeysay dhulka ay Isra’iil heysato

8 October, 2023

Waxay weli iska horimaadyo ka socdaan dhulka koonfureed ee deegaanada ay heysato Israa’iil oo ay shalay…

Waxay weli iska horimaadyo ka socdaan dhulka koonfureed ee deegaanada ay heysato Israa’iil oo ay shalay gudaha u galeen dagaalyahanada Xamaas oo Sabtidii weerar cir, dhul iyo badda ah ku qaaday Israa’iil.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay inay dib ulla wareegeen magaalada Sderot kadib markii ay burburiyeen saldhigii booliiska magaaladaasi oo ay ka dhex dagaalamayeen ciidamada Xamaas.

Israa’iil ayaa shalay gelinkii danbe, xalay iyo saaka oo Axad ah duqeyn ku wada magaalada Gaza, iyagoo adeegsanaya diyaarado, Maraakiib iyo waliba madaafiicda dhulka. Wasaarada Difaaca ee Israa’iil ayaa ku goodisay inay burburin doonto gebi ahaan Gaza.

Shacabka ku dhaqan magaalada Gaza oo gaaraya 2.3 milyan oo qof ayaa xalay cabsi ku seexday iyadoo Israa’iil ay gebi ahaan jartay korontadii magaalada isticmaali jirtay marka laga reebo 20% matoorada korontada, in ka yar 4 saac ayey dadka helaan korontada.

Lubnaan iyo Xisbullah

Waxaa maanta oo Axad ah sidoo kale dhaq dhaqaaq laga dareemayaa dhanka Waqooyiga dhulka Israa’iil ay heysato gaar ahaan xaduuda ay la wadaagaan dalka Lubnaan, halkaasi oo ay saaka ka dhacday duqeyn iyo madaafiic ay isweydaarsadeen kooxda Xisbullah iyo ciidamada Israa’iil, Xisbullah ayaa duqeysay xarunta Radarka ciidamada Israa’iil ee dhulka xaduuda saaran.

Xisbullah ayaa sheegtay inay taageersan tahay baaqii kasoo baxay shalay kooxda Xamaas ee ahaan in dagaalkan ay wada galaan dhamaan dalalka Carabta iyo Muslimiinta, balse weli ma muuqato dagaal balaaran walow ay jirto cabsi ah in dagaalkan sii weynaan karo.

Maraykanka ayaa wada dadaalo uu ku cadaadinayo dalalka xulafadiisa ah ee Carabta in xaalada la dejiyo, xili xalay warsaxaafadeed uu qabtay Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ku sheegay inay garab taagan yihiin si buuxda Israa’iil. Biden ayaan soo hadal qaadin khasaaraha israa’iil u geystay shacabka Falastiin.

Dalalka Sacuudiga, Turkiga, Masar iyo Qatar oo kamid ah dalalka uu xiriirka la sameeyey Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka, ayaa sheegay inay iyagu diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan dadaalka xabad joojinta, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in laga wadahadlo dhulboobka Israa’iil oo sabab u ah isdifaacida shacabka Falastiin.

Horseed Media