Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo maalintii shanaad galay

Published: February 10, 2023
Shares20

Waxaa maalintii shanaad galay dagaalka ka socdo magaalada Laascaanood ee xartunta gobolka Sool iyadoo magaalada laga maqlaya hubka ay iswaydaarsanayaan ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa saaka lagu soo waramayaa inuu kansocdo saldhigyo ay leeyihiin Ciidamada Somaliland oo ku yaalla bannaanka magaalada. 

Hubka waaweyn iyo duqaymo culus ayaa laga maqlayaa furimaha dagaalka ee duleedka Laascaanood. 

Sdioo kale Ciidamada Somaliland ayaa ayaa weli sii wada madaafiic ay ku garaacayaan gudaha  Laascaanood. 

Khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaa sii kordhaya, xilli inta badan dadkii magaalada deganaa ay halkaasi ay qaxeen.

Horseed Media