Dagaalka Ukrain: Xulafada NATO ayaa sheegay in ay gabaabsi tahay rasaastoodii!

Published: October 5, 2023

Quwadaha milatariga reer galbeedka ayaa sheegay inay ka dhamaanayso saanadii iyo rasaastii ay u hayeen Ukraine si ay isaga difaacdo duulaanka Ruushka, digniintan ayaa waxaa soo saaray dalka UK iyo Isbaheysiga NATO.

Adm Rob Bauer, oo ah sarkaalka ugu sareeya ciidamada Nato, ayaa u sheegay Madasha Amniga ee Warsaw “in ay sii dhamaaneyso rasaastoodii”.

Wuxuu sheegay in dowladaha iyo shirkadaha hubka soo saara ay hadda tahay inay “kor u qaadaan wax soo saarka si ku meel gaar ah”.

Ciidamada Ukraine ayaa sheegay inay ku yartahay rasaasta madaafiicda oo intooda badan hadda ka helaan dhanka Nato.

Admiral-ka, oo madax u ah guddiga militariga ee Nato, ayaa sheegay in wixii ka danbeeyey dhamaadkii dagaalkii qaboobaa uu hoos u dhacay maalgashiga ciidamada ee wadamada Nato, taasina ku khasabtay in ay Ukraine siiyaan hubka iyo rasaasta u yaalay bakhaarkooda oo hada sii noqonaya kuwo faaruq ah!.

Wasiirka difaaca UK James Heappey ayaa madasha ka sheegay in kaydka millatari ee reer galbeedku uu “sii yaraanayo” wuxuuna ku booriyay xulafada Nato inay 2% hantidooda qaran ku bixiyaan difaaca, sida ay horey u balanqaadeen.

Horseed Media