Dagaalo mar kale ka dhacay magaalada Tripoli ee dalka Liibiya

Published: August 28, 2022

Waxaa isa soo taraya cabsida laga qabo dagaal cusub oo ka qarxa dalka Liibiya, kadib markii maalintii shalay ee Sabtida ay magaalada Tripoli ee caasimada dalkaasi ku dagaalameen labo kooxood oo siyaasadeed. Dhimashada dagaalkaas ayaa hadda kor u dhaaftay 20 qof.

In ka badan 140 ruux ayaa ku dhaawacantay, qaar badana waxaa lagu daweynayaa isbitaalada, waxaana suuragal ah in dhimashadu ay intaasi ka badato.

Dagaalkan ayaa salka ku haya loolanka dhanka awoodda ah ee u dhaxeeya Ra’iisul Wasaare Abdul Hamid Dbeibah iyo siyaasiga iska soo horjeeda ee Fathy Bashagha.

Rabshadaha ayaa halis ku ah in ay sii murjiyaan qalalaasaha siyaasadeed ee dalka ka jira ka dib labo sano oo xabad joojin ah, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal cusub oo hubeysan uu dhaco. Sida uu ku soo waramayo saxafi ka tirsan AFP oo ku sugan magaalada Tripoli.

Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *