Dalalka Caalamka oo cambaareeyey Ruushka: Codbixintii Golaha Qaramada Midoobay

Published: March 3, 2022

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay (General Assembly) ayaa Arbacadii shalay u codeeyey mooshin lagu cambaareenayey duulaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine, kulankan oo ah mid aan caadi ahayn ayaa yimid kadib markii Golaha Amaanka (Security Council) go’aan kasoo bixiyey waayey maadaama uu golahaasi hada gudoonka u hayo dalka Ruushka.

193 wadan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayey 141 wadan oo ay ku jirto Soomaaliya ay taageereen mooshinkan lagu cambaareenayo Ruushka, isla markaana loogu baaqayo in si deg deg ah oo xujo-la’aan ah ciidamadiisa ugala baxo dalka Ukraine.

Waxaa codbixintan ka aamusay 35 wadan oo ay ku jiraan; China, India iyo Koonfur Afrika. Halka ay 5 wadan oo kaliya cod dheer ku diideen mooshinkan dalalkaasi oo kala ah; Kuuriyada-Waqooyi, Eritrea, Syria, Belarus iyo Ruushka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *