Dalalka Soomaaliya, Itoobiya & Talyaaniga oo Addis Ababa ku yeelanaya shir saddex geesood ah

Published: April 14, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay kaga qayb gelayaan shir saddex geesood ah oo ay yeelanayaan dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga.

Shirkan saddex geesoodka ah ayaa hoggaamiyeyaasha saddexda dal waxa ay ka arrinsanayaan dib-u-habaynta iskaashiga ka dhexeeya iyo mideynta qorsheyaasha ku qotama xiriirka diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo amni, iyadoo la gorfeynayo xal u helidda caqanadaha ay wadajirka u wajahayaan dalalkan.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka xiriirka soo jireenka ah ee dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigi doonta dadaalada ku wajahan la dagaallanka argagixisada, guulaha laga gaaray dib u xoreynta deegaannada iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga heer gobol.

Horseed Media