Dalka Maraykanka oo ay kusii badanayaan tiradda dadka is-dila!

Published: August 11, 2023

Mareykanka ayaa diiwaangeliyay tiradii ugu badneyd ee ismiidaaminta sanadkii la soo dhaafay, iyadoo in ka badan 49,000 oo qof ay naftooda haligeen 2022, sida lagu sheegay xogta dowladda ee dhowaan la soo saaray.

Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada (CDC) ayaa khamiistii soo bandhigay xog cusub oo soo jeedinaysa in is-dilku ay ku badan yihiin Maraykanka marka loo eego wakhti kasta tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Is-dilka ka socda Mareykanka ayaa si joogto ah kor ugu kacday horraantii 2000 ilaa 2018-kii, markaasoo uu gaaray heerkii ugu sarreeyay tan iyo 1941. Sannadkaas waxaa la arkay qiyaastii 48,300 oo dhimasho ah.

2021, isdilku wuxuu kordhay 4 boqolkiiba. Sannadkii hore, marka loo eego xogta cusub, tiradu waxay kor u kacday in ka badan 1,000, ilaa 49,449 – qiyaastii boqolkiiba 3 ayaa kordhay marka la barbardhigo sannadkii hore.

Khubarada ayaa ka digaya in kororka dhawaantan ay sabab u yihiin arrimo kala duwan, oo ay ku jiraan heerarka sare ee niyad-jabka iyo helitaanka adeegyada caafimaadka dhimirka oo xadidan.

Laakiin sababta ugu weyn ayaa ah helitaanka sii kordhaya ee qoryaha, ayay tiri Jill Harkavy-Friedman, oo ah madaxweyne ku xigeenka sare ee cilmi-baarista ee Mu’asasada Mareykanka ee Kahortagga Is-dilka.

Horseed Media