Dalka Yemen oo qofkii ugu horeeyay laga helay cudurka Coronavirus.

Published: April 12, 2020

Dalka Yamen ayaa laga xaqiijiyay kiiskii ugu horeeyay ee Cudurka dunidda kusii aafaya ee Covid-19, Dawlada dalka Yamen ayaa sheegtay in kiiskaan laga helay koonfurta Dalka Yaman.

“ Bukaanka waxaa la geeyay goob karantiil ah waxaana la raadineynaa dadkii uu la macaamilay.”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay hay’ada qaramada midoobay u qaabilsan caafimaadka ee WHO.

Gobolka uu ku nool yahay qofkan laga helay Covid-19 ee Hadramuut ayaa waxaa saameyn xoog leh ku yeeshay macluul iyo cuduro ka dhashay dagaalada sokeeye ee mudada dheer ka socday Dalka Yaman.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *