Dallada PUNSAA oo Bogaadisay Heshiiskii ay Muqdisho Ku Gaareen Puntland iyo Galmudug

Published: January 2, 2017
Nuur Shire Cismaan Guddoomiyaha dalladda PUNSAA

Dallada daneeyayaasha aan dowliga ahayn ee PUNSAA ayaa soo dhawaysay, islamarkaana bogaadin u dirtay madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Cabdikariim Xuseen Guuleed heshiiskii ay ku gaareen magaalada Mudisho 01/01/2017.

Dalladda PUNSAA waxay ku tilmaamtay heshiiskaas mid horgal u noqon kara sidii loo dhamayn lahaa colaadda ka taagan magaaladda Galkacayo iyo guud ahaan gobolka mudug.

Heshiiska ayaa ka koobnaa saddex qodob oo kala ah:

  1. In la furo jidadadka magaalada iyo jidka gaadiidka isaga goosha gobolada koonfureed iyo waqooyi.
  2. In Magaaladda loo sameeyo ciidamo booliis ah oo isku dhaf ah.
  3. In in bisha labaad ee sannadka 2017 la isugu yimaado shir looga hadlayo colaada magaalada Galkacayo.

“Dallada Puntsaa waxay ay aad u soo dhaweynaysaa tallaabo kasta oo wax looga qabnayo khilaafaadka u dhexeeya bulshadda ku dhaqan gobolka mudug, gaar ahaan magaaladda Gaalkacayo. Waxaana PUNSAA u aragtaa in heshiiskani albaabada u farayo sidii meesha looga saari lahaa cadaawada ku dhex jirta dadweynaha reer Galkacayo oo loo suurta gelin lahaa in heshiis waara la dhex dhigo reer Puntland iyo Reer Galmudug ee wada degan magaaladda Gaalakcayo” ayaa lagu yiri baaqa ka soo baxay Dallada PUSAA

Dallada PUNSAA waxay sheegtay in marar badan oo hore ay baaqyo ka soo saartay xaaladda Galkacayo ay ku sheegtay in khilaafaadka u dhexeeya madaxda labada dowlada goboleed ay dowr weyn ku leedahay dhibaatada sii kordheysa iyo khilaafaadka halkaas ka jira.

“Isu soo dhowwaanshaha labada dhinac ayaa hadda u muuqda in haddii la sii kobciyo uu mira dhal u noqon doono nabadgeliyo waarta oo laga gaaro Magaaladda Galkacayo”

Gababadadii, Dallada PUNSAA waxay ugu baaqday hoggaamiyayaasha Puntland iyo Galmudug in ay ka dhabeeyaan meelmarinta heshiiska iyo in la furo Wadahadal lagu gaaro heshiisiin dhab ah oo dhex marta beelaha degan magaaladda Galkacayo iyo guud ahaan Puntland iyo Galmudug.

Halkan ka Akhriso Baaqii Dallada PUNSAA

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *