Dallada Punsaa Oo Soo Dhawaysay Doorashadii Madaxweynaha Cusub-Video.

Published: February 10, 2017
Nuur Shire Cismaan Guddoomiyaha dalladda PUNSAA

Dallada ay ku midoobeen Ururada Bulshada rayidka ah ee Puntland ay soo dhawaysay isbedelka ka dhacay dalka iyo doorashadii Madaxtinimadda Soomaaliya ee u ku guulaystay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddoomiyaha Dallada Punsaa Nuur shire cismaan oo hoggaaminay koox ka socotay dallada oo goorjoogta ka ahayd doorashadda soomaaliya ayaa soo dhaweeyay sidii quruxda badnayd ee ay u dhacday doorashadii lagu doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo.

wuxuu tilmaamay in marka la eego khudbadihiisii iyo waxqabadkiisi hore in xildhibaanadu doorteen shaqsigii ku haboonaa inuu hoggaamiyo dalka

“dareenka dadku wuxuu ka turjumayaa sida ay u arkaan, inuu isbedel sameeyo, wadakan dib u heshiisiin kama dhicin, waa la dagaalamay, shirarka la qabtay arrimo siyaasadeed iyo sidii jagooyin loo qaybsan lahaa ayaa lagaga hadlayay” ayuu yiri Nuur shire

Guddoomiyaha Punsaa wuxuu sheegay in rabitaankii shacabku uu guulaystay, bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeedna ay si weyn u soo dhaweeyeen, wuxuuna kula taliyay madaxweynaha cusub in uu mudnaanta kowaad siiyo sugida amniga, ka dibna dib-u-heshiisiin guud uu dalka ka sameeyo.

Gabagabdii, Maalintii Arbacadii ee 8 February 2017 ayaa xarunta xalane ee magaaladda muqdisho waxaa xildhibaanada labada Aqal ay madaxweynaha afarta sanno ee soo socoto u doorteen Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Horseed media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *