Dallda ardayda Puntland ee Uganda oo soo dhoweeyey xubno ka socda PUNSAA [Sawiro]

Published: February 15, 2012

Waxaa ka dhacday magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda xaflad ay qabteen ururka ardeyda reer Puntland ee Uganda( Puntland Students Association in Uganda ) xafladaasoo ay ku soo dhaweynayeen wafdi kasocday dallada ay kumideysan yihiin ururada aan dawliga ahayn ee Puntland oo loo yaqaan Puntland Non-State Actors Association) wafidigaan oo in muddo ah joogay kampala howlo shaqo awgeed ayaa kulankii ay laqaateen ardeyda waxay isku dhaafsadeen war bixino badan.

Madaxwenaha ururka ardeyda reer Puntland ee Uganda Mudane Ahmed Mohamoud Said oo kulanka daahfuray ayaa wuxuu soo jeediyay khudbad aad u dheer oo dhinacyo badan taabaynaysa wuxuuna soona dhaweeyay wafdigaan sheegayna iney ad iyo aad ugu faraxsan yihiin kulankaan ay laqaateen wuxuuna sheegay in ardeyda dhigata jaamacadaha dalka Uganda ay tiradoodu kor u dhaafayso ilaa 1350 ardey ayna kala dhigtaan ilaa sagaal jaamacadood

Intaa kadib ayaa waxa lagu soo dhaweeyay ABDIFITAH MOHAMED SUGGULLE(VICE PRESIDENT) oo horkacayay wafdigan ahne gudoomiye ku xigeenka dallada (Puntland Non-State Actors Association) MR ABDIFITAH AYAA ARDADA SIIYAY WARBIXIN GUUD OO DHNIACYO BADAN TAABANAYSA HABA UGU HOREYSEE DHANKA AMAANKA DHAQAALAH , DHISMAHA , IYO MACDANTA DALKA IYO HALKA WAX MARAYAAN SIDOO KALE WUXUU AAD IYO AAD U SOO DHAWEEYEY kulanka qiimaha leh ay laqaateen ardeyda reer Puntland kuna tilmaamay wax lagu farxo numberka ardeyda wax ka barata jaamacadaha dalka Uganda kuna dhiiri galiyay ardeyda in waxbarashadu muhiimtahay wuxuuna ballana qaaday in dalladiisu ay sifiican ula shaqyn doonta ururkan iyadoo kataageeraysa dhinacyo farabadan

Sidoo kale waxa iyaduna ka hadashay xaflada agaasimaha guud ee dallada Faaduma Ibaraahim Aadan oo ku dhiiri galisay gabdhaha iney waxbarashadoo iyo dadaalkooda laban laabaan

Ugu danbeyntii ayaa waxaa isna ka hadalay Feysal oo isna dallada kamid ahaa wuxuu kula dardaarmay ururka ardeyda in ay samaystaan sanduuq dhaqaale oo ay xubnahaa ururuku ugu yaraan ay iska aruuriyaan inta ay awoodan bilkasta maadaama aduunkuba uu ku dhisan yahay contribution.

AHMED ABDIRIZACK HASHI SUULEEY

+256791614210

Kampala Uganda