Damul-jadiid oo awoodooda ay muujin karto doorashada guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka – Faallo / VIDEO

Published: January 8, 2017

Ururka Dam-jadiid ee uu ka tirsan yahay Madaxweynaha xilku ka dhamaadey ee Xasam Sheekh Maxamuud ayaa soo shaac-baxay maalmo kadib doorashadii Xasan Sheekh markaas oo la jabsadey Email Kooxeed Yahoo (Yahoo Email Group) oo ay iska lahaayeen ururka Dam-jadiid, waana ururkii dhisey Xisbigii midabada cagaarka lagu bartey ee PDP ee ahaa wejiga shacabka Soomaaliyeed yaqaaneen. Ururkan ayaa xubnaha ugu caansanaa ee la yaqaaney waxaa kamid ahaa:

  • Madaxweyne Xasan Sheekh
  • Faarax Sheekh Cabdulqadir
  • Fahad Xaaji Yaasiin
  • Maxamed Nuur Gacal (Wuu ka baxay)
  • Cabdikariim Xuseen Guuleed
  • Maxamed Xasan Fiqiih

Waxaa jira wejiyaal badan oo qarsoonaa muddadii afarta sano ahayd ee Xasan Sheekh Maxamuud xilka hayey, waxaa jirey xubno badan oo isaga baxay ururkaan ama cidla looga tegey. Inkasta oo Baarlamaanku doortey Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xildhibaano badan ku eedeeyaan in aanu wax abaal ah u dhigan oo uu isku xeeray xertiisi Dam-jadiid.

Doorashada guddoomiye ku-xigeenka kowaad

Doorashada Guddoomiye ku-xigeenka kowaadee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa banaanka soo dhigi karta awoodda Dam-jadiid ay ku dhex leeyihiin Baarlamaanka cusub ee Federaalka ama Aqalka Hoose, kursigan ayaa dhex-yaala Xildhibaanada ku yimid Beesha shanaad ee iska leh 31 Xildhibaan oo ka soo kala jeeda beelo kala duwan. Musharixiin gaaraya 6 ayaa ku tartamaya maalinta 12 Janaayo, waxaase ugu muhimsan uguna cad-cad afar musharax.

  1. Faarax Sheekh Cabdulqaadir
  2. Khadiija Maxamed Diiriiye
  3. Siciid Xuseen Ciid iyo
  4. Khalid Macow Cabduqaadir.

Waxaa jira laba musharax oo kale Jeylaani Iikar iyo Cabdiweli Muudey oo iyaguna kursigan u tartamaya.

Xildhibaanada musharixiinta ah ayaa midkastaa ka tarjumi karaa Akadeemiyadda uu ka soo jeedo iyo kaarka siyaasadeed ee uu ciyaari karo.

Khadiija Maxamed Diiriye ayaa ah ruug caddaa muddo dheer soo dhex fadhidey Baarlamaanka Soomaaliya, muddo 16 sano ka badan, sidoo kale muddo dheer ku dhex jirtey golaha xukuumadda iyada oo xilal kala duwan ka soo qabatey. Khadiijo aya ciyaareyska kaarka haweenka, waxaana ay isku dayeysaa markii u horeysey in shir-guddoonka Baarlamaanka ay haweenku xubin ku yeeshaan, waxay Baarlamaanka ka soo gashey Hirshabelle, Khadiijo ayaa muddooyinkii danbe lagu yaqaaney sida ay uga soo horjeedo siyaasada Dam-jadiid, waxaana ay ka mid ahayd Xildhibaanadii hor boodaayey diidmadii Baarlamaanka ee Xukuumadda Cumar Cabdirashiid in lagu soo daro xubno ay kamid yihiin Dam-jadiid sida Faarax Sh.Cabdulqaadir iyo Fahad Xaaji Yaasiin. Doorashadii sanakdii 2012 ayey isu soo taagtey xilkan markaas oo ay heshay codad ku dhaw 80, waxaana ay saaxiibo badan ku dhex leedahay Xildhibaanadii hore.

Siciid Xuseen Ciid ayaa ah Xildhibaan ku cusub Baarlamaanka, inkasta oo uu labadii sano ee u danbeysey ka tirsanaa Xukuumadda Cumar Cabdirashiid ahaana Wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa dad badan aaminsan yihiin in uu yahay Xildhibaan dhex-dhexaad ah oo ka madax banaan labada dhinac, waxaana uu isku dayayaa in uu ciyaaro kaarka doorka dhalinyarada iyo Xildhibaanada cusub doorkooda.

Khalid Macow Cabduqaadir ayaa ah aqoonyahan muddo dheer ka soo shaqeynaayey arrimaha waxbarashada iyo kobcinta aqoonta, waxaana uu kamid ahaa Musharixinta maanta jeediyey khdubadaha kaas oo soo jiitey in badan ookamid ah dadkii dhegaysanaayey, waxaana la dhihi karaa dhanka khudbadaha isaga ayaa ku guuleystey marka la eegho qaabka ay ugu qodobeysneyd.

Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo markii labaad ay u tahay oo uu soo galo Baarlamaanka ayaa kamid ah Xildhibaanada u ordaya in uu noqdo ku-xigeenka Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya. Faarax ayaa ah wejiga kowaad ee Ururka Dam-jadiid, muddo dheer ayuu ka soo shaqeeyey arrimaha waxbarashada iyo ururkii Muslim Afriiqiya, waxaa uu saaxiib dhaw la yahay Madaxwene Xasan Sheekh oo uu kamid ahaa la taliytaashiisa dhaw muddadii afarta sano ahayd ee la soo dhaafey. Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa dartiis ay u dhacdey Xukuumaddii uu soo dhisey Cumar Cabdirashiid Diseembar 2014 ka hor inta aan Baarlamaanka la geyn kadib markii lagu soo darey Golaha Wasiirada, taas oo markii laga reebay Baarlamaanku oggolaadey. Faarax Sheekh ayaa ahaa sababtii ka danbeysey dhicidii Xukuumaddii Cabdiweli Sheekh Axmed, waxaana la dhihi karaa waxa uu ahaa ninka labaad ee ugu awoodda badnaa Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud.

Haddaba haddii Faarax Sheekh Cabdulqaadir loo doorto afhayeenka kowaad ee Baarlamaanka ayey caddeyn u tahay awoodda ururka Dam-jadiid ay ku dhex leeyihiin Baarlamaanka, haddii Faarax Sh. Cabdulqaadir ku guul-daraysto xilka uu u tartamayo ayey muujin kartaa taag-tarida Dam-jadiid iyo sida aysan awood ugu dhex lahayn Baarlamaanka. Waxaa jira dad qaba aragti ka duwan taas kuwaas oo sheegaya in Musharaxnimada Faarax Sh. Cabdulqaadir aysan ahayn mid dhab ah ee ay tahay mid taaktiko ah, guuldarada soo gaarta mid looga danlee yahay in niyadda loogu dejiyo Musharixiin ta kale ee la tartamaya Xasan Sheekh Maxamuud taas oo la doonaayo mid ay hubka isaga dhigaan ka hor maalinta doorashada Madaxweynaha, si Dam-jadiid ay ugu fududaato in ay si weyn uga dhex kaluumeystaan Xildhibaanada taageersan musharixiinta kale.

Axmed Muuse
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *