Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo ka hadlayey xiriirka labada dal dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay inay leeyihiin xiriir wanaagsan oo dhinac walba leh.
“Dowladda Kenya aan deriska nahay waxaan nahay laba dowladood, oo aan kala maarmi karin, waxaana leenahay xuduud dheer. Dad badan oo Soomaali ah ayaa halkan uga shaqeysta si nabad oo xasillooni ah oo ay raali ka yihiin, oo Dowladda Kenya iyo masuuliyiintooda ay ku dhiirigeliyeen. Sidaasi awgeed dadka Soomaaliyeed aad bay waxay ugu baahan yihiin inaan xoojino xiriirka Somaliya iyo Kenya ka dhaxeeya.” Ayuu yiri Danjiraha Somaliya ee dalka Kenya.
Waxa ii intaas sii raaciyey “Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ka dhaxeeya waa muhiim, anagana muhiim buu noo yahay, ayagana muhiim buu u yahay. Sidaasi darteed labadeenuba ma kala maarano, mid goonidiisa u taagnaan karana ma jiro.”
Safiirka Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay leeyihiin hal cadow, oo uu ugala jeedo Ururka Al Shabaab.
“Waxaa naga dhaxeeya anagga iyo Kenya cadow mid ah, cadowgaas oo ah Shabaab. Shabaab oo dhibaato ku ah xasilloonida iyo deganaanshaha wadanka Kenya iyo wadankeenaba, labadeenaba xasilloonideena dhibaato ku ah iyo amnigeena iyo horumarkeenaba.” Ayuu yiri Danjire Tarsan.