Danjireyaal ka socda midowgya Yurub oo Garoowe soo gaarey (Sawiro)

Published: February 17, 2012

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe waxaa goor dhow kasoo degey wefdi heer sare ah oo ka socda qaar kamid ah dalalka ku bahoobey ururka midowga Yurub.

Wefdigan oo Safiiro u badan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey qaar kamid ah golaha wasiirada ee dowlada Puntland oo ay kamid yihiin wasiirka Maaliyadda, wasiirka maamul wanaagga, iyo xubno ka tirsan golaha Baarlamaanka.

Wefdiga EU ka socda ee Garoowe yimid ayaa waxaa kamid ah Safiirada Soomaaliya u qaabilsan dalalka Sweden, Italy, iyo Britain, waxaana sidoo kale goor dhow la filayaa in uu Garoowe soo gaaro madaxweynaha DKG ah ee Soomaaliya mudane Shariif sh. Axmed.

Ujeedada socdaalka wefdiga midowga Yurub ka socda ee Garoowe soo gaarey ayaa ah sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen xiritaanka wejiga 2-aad ee shirka Garoowe oo qorshuhu yahay in maanta lasoo gaba gabeeyo.

Waxayna noqonaysaa markii ugu horeysey oo ay tira danjireyaal ah oo intaas le`eg kana socda dalalka ku bahoobay ururka midowgya Yurub ay magaala madaxda Puntland ee Garoowe soo gaaraan.

 

Horseed Media

Garoow