Dareen la’aanta Urta oo calaamad u ah difaaca jirka ee Korona Fayras

Published: September 18, 2020

Sida uu shaaciyey Telefishanka dalka Sweden ku dhowaad afartii qof ee ka shaqeeynayey Isbitaalka Danderyd ee daryeela bukaanada qaba xanuunka Korona Fayras waxay leeyihiin calaamadaha kahortaga fayraska. Dareen la’aanta urta ayaa ah astaamaha sida aadka ah loola xiriirinayo un jirka qofku samaynayo difaaca Korona Fayras.

2,149 ka mid ah shaqaalihii lagu baaray isbitaalka, 19.1% waxay leeyihiin kahortagga fayraska horraantii bishii Juun, taas oo aan si weyn uga duwaneyn natiijooyinka hordhaca ah ee la soo bandhigay 27-kii Abriil kadib markii 527 shaqaale ah la baaray, sida lagu sheegay war-saxaafadeed.

82% ka mid ah kuwii lahaa unugyada difaaca jirka tijaabadii ugu horreysay ee la qaadey bishii Abril 2020, ayaa mar kale laga helay jirkooda qeybtii laga qaaday ee la sameeyay Agoosto.

Calaamadaha ugu xooggan ee la xiriira soo saarista unugyada difaaca jirka ayaa ahaa urta, cuna xanuunku wuxuu ahaa astaamaha keliya ee aan lala xiriirin unugyada difaaca jirka.

Baaritaankan ayaa yimid kadib markii la arkey dad badan oo laga helay xanuunka COVID-19, laakiin aan lahayn wax astaamo ah, isla markaana aan wax xanuun ah ku dhicin, waxaana badankood ka sinnaayeen in dareenka urtu ka tagto, taas oo lala xiriiriyey difaaca jirku samaynaayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *