Dastuurka Federaalka Soomaaliya oo cod aqlabiyad ah lagu ansixiyey

Published: March 30, 2024
Shares6

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliyeed ayaa maanta si buuxda u meel mariyey dastuurka federaalka Soomaaliyeed oo muran badan dhamaystirkiisa ka taagnaa.

Fadhiga waxaa soo xaadiray 254 Xildhibaan oo isugu jira labada Aqal.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa si toos ah u guda galay ajandaha oo ahaa in loo codeeyo dastuurka, waxaana la kala qaadey labada Aqal oo midba goonidiisa u codeeyey, mana jirin wax muran iyo dhibaato ah oo ka dhacay baarlamaanka.

Aqalka Sare oo codeynta lagu bilaabey waxaa goob-joog ka ahaa 42 Xildhibaan oo ka mid ah 54 xidhibaan ee uu ka kooban yahay Aqalka sare, dhamaan Xildhibaanada Aqalka sare ayaa isku raacay meelmarinta dasuurka, ma jirin cid diidey ama ka aamustey, waxaa laga doonaayey ugu yaraan 36 Xildhibaan in ay u codeeyaan taas oo ah 2/3.

Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa soo xaadiray 212 Xildhibaan oo ka mid ah 275 Xildhibaan ee uu ka kooban yahay, waxaa la doonaayey in la helo 184 Xildhibaan in ay u codeeyaan taas oo ka dhigan laba meelood marka Xildibaanada loo qaybiyo saddex meelood 2/3. Dhamaan Xildhibaanada soo xaadiray ayaa u codeeyey HAA oo ansixiyey afarta cutub ee u horreysa ee dstuurka, ma jirin cid diidey ama ka aamustey.

Isku dar waxaa u codeeyey 254 Xildhibaan oo labada Aqal ka mid ah taas oo ka badan inta loo baahnaa.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Dastuurka Federaalka Soomaaliyeed Mudane Burhan Aadan Cumar ayaa hadal kooban ka jeediyey fadhiga baarlamaanka kadib markii la ansixiyey afarta cutub ee u horeysa oo ka koban 62 qodob ahna kuwa ugu muhimsan.

“…Maanta waa maalin taariikhi ah waa guul u soo hoyatey ummada Soomaaliyeed, Xildhibaanadu waxay fursad u heleenoo oo ku guuleysteen wixii kuwii ka horeeyey aysan ku guuleysan, waxaadna qaranka u horseedeen Guul ayuu yiri Burhaan…”

Sidoo kale waxaa isla munasabadda ka hadley Guddoomiyaha Guddiga dib-u-eegista iyo la-socodka Dastuurka Xildhibaan Xuseen Iidow.

“…Nuqulka maanta la ansixiyey waxa uu ka tarjumayaa aragti Somaaliyeed, waxaa iska leh ummadda Soomaaliyeed, waxaana cod aqlabiyad ah ku ansixiyey wakiilada ummadda Soomaaliyeed oo idinka ah ayuuyiri Iidow….”

Iidle ayaa sheegay in afar cutub loo codeeyey waxaana dhiman 11 cutub oo kale laakiin waxaa asaas u ah afartan cutub inta kale marka la eego, waxaana dhamaystiri doonaa kalfadhiga kale marka Xildhibaanadu isu soo noqdaan.

Wax ka beddelka qoddobada dastuurka ee uu maanta ansixiyay labada aqal ee baarlamaanka, ayaa waxa ka mid ah, in Madaxweynaha soo socda ay soo dooran doonaan Shacabka Soomaaliyeed, Ra”iisul wasaaruhuna uu magacaabayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo muddo xileedkoodu noqonaayo shan sanno.

Sidoo kale xubnaha Gudidda doorashooyinka iyo Soohdimaha ayaa tiradooda laga dhigay 18 xubnood, kuwaas oo masuul ka ah dhamaan doorashooyinka dalka ka dhacaaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dedaal aad u badan ku bixiyey dhamaystirka dastuurka iyo meel-marinta waxaa tani ka dhigan tahay guul weyn oo taariikhi ah oo u soo hoyatey, waxaase weli hortaagan kala qaybsanaanta dadka maadaama ay jiraan dowlad gboleedyo diidan nidaamka dastuurka lagu meel mariyey oo ah mid aan la isla oggoleyn.

Dowladda Puntland oo dhawaan soo saartey mowqifkeeda ku aadan dastuurka ayaa seegtey in dastuurku uu ka weyn yahay wax qof damaciisa lagu dhiso oo aanu khuseyn iyaga sida haatan wax loo wado, talo aysan ku lahayn dastuurka sidaas darteed aysan ku dhaqmeyn.

Sidoo kale Madaxweynayaashii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa iyaguna ka soo horjeeda shaqada ay Xildhibaanadu qabteen.

Ugu danbeyntii sida uu qabo dastuurka waxaa shaqadan iska leh baarlamaanka inkasta oo ay ahayd dhamaystir laakiin waxaa lagu eedeynayaa in dastuurku uu yahay mid cusub kaas oo u baahnaa isla oggol iyo in heshiis lagu wada yahay.

Dastuurka ayaa u baahan in afti dadweyne lagu ansixiyo si uu uga baxo kumeel-gaarka taas oo ah shaqada ugu weyn ee sugeysa Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh.

Horseed Media