Davos: Madaxweynaha China oo Maraykanka uga digay dagaal Ganacsi – VIDEO

Published: January 18, 2017

Madaweynaha China oo ka qeyb galaya shirka sanadlaha ah ee World Economic Forum oo ka dhaca magaalada Davos ayaa digniin u diray Dowlada cusub ee Maraykanka.

Xi Jinping ayaa sheegay in Ganacsiga furan ee Caalamka uu yahay mid ay ka wada faa`iideen dhamaan dalalka Caalamka, wuxuuna ka digay hadalada kasoo yeeraya Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump oo isagu aaminsan in wax laga bedalo nidaamka Ganacsi ee caalamka.

Trump ayaa u muuqda inta badan fikirkiisa ku aadan dhaqaalaha iyo ganacsiga caalamiga ah in dalka China uu qaatay inta badan shaqada warshadaha waaweyn, isla markaana Shiinaha uu hoos u dhigo qiimaha lacagtooda si caalamka u gato waxsoo saarkooda.

Hase yeeshee Madaxweyne Xi Jinping ayaa sheegay in shiinaha uusan si farsameysan u faro gelin doonin qiimaha lacagtooda, isla markaana hadii Maraykanka uu bilaabo dagaal ganacsi oo ah inuu xayiraado iyo canshuur dul dhigo waxsoo saarka dalalka kale in arrintaasi ay irida u furi doonto dagaal Ganacsi, dagaalkaasi oo uu sheegay in cid walba khasaaro kasoo gaari doonto.

Waa markii ugu horeysay oo uu Madaxweyne dalka Shiinaha ah ka qeyb galo shirka Davos oo inta badan lagu falanqeeyo arrimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga Caalamiga ah.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *