Dawlada Imaaraatka oo deeq soo gaarsiisay Puntland.

Published: April 8, 2020

Dawlada Imaaraatka carabta ayaa deeq agab cafimaad ah soo gaarsiisay deegaanada Puntland, Deeqdaan oo ay siday diyaaraad khaas ah ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso kula wareegay Wasiirka Caafimaadka Puntland iyo Maamulka Gobolka Bari.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Jaamac ayaa ugu mahad-celiyay imaaraatka agabka cafimaad ee ay soo gaarsiiyeen xili ay u baahi-qabeen, Sidoo kale waxa uu sheegay in ay tani jawaab u tahay codsigii madaxweynaha Puntland Saciid Cabdilaahi Deni uu u diray Wadamada Caalamka.

Dhanka kale Madaxweyne Deni ayaa war-uu soo saaray kaga mahad-heliyay deeqdaan cafimaad ee lasoo gaarsiiyay ‘‘Waxaan uga mahadcelinaya Imaaraadka gargaarka bani’aadantinimo ee ay nasoo gaarsiisay, oo maanta Boosaaso ka degay, waa agab caafimaad oo loogu talagalay xakameynta iyo ka hortagga Coronavirus” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Sidoo kale Dawlada Imaaraatka ayaa deeq midaan la mid ah gaarsiisay Maamulka Somaliland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *