Dawlada Jublanad oo Ciidamo u dirtay deegaano ku dhaw Kismaayo oo dagaal beeleedyo ay ka dhaceen.

Published: April 7, 2020

Jubbaland ayaa ciidamo u diray deegaano dhaca galbeedka Kismaayo, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay ku dagaalamayeen labo beelood oo wada dega dhulka ku teedsan duleedka Magaalada Kismaayo.

Ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabadsugid ayay Dawladu u dirtay deeganadaas si loo qaboojiyo xiisada labadaas beelood, Dagaalka labada dhinac ayaa waxaa ku dhintay dad ku dhaw 20 qof, waxaana socda dadaalo nabadeed oo la isku keenayo odayaasha iyo waxgaradka beelaha.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhowaan ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya inay dagaalka joojiyaan, waxaana uu amar ku baxay in Ciidamo loo diro deegaanka, si ay u kala dhex galaan maleeshiyaadka dirirta u dhaxeyso.

Dagaalkaan ayaa mudo dheer so noqnoqonayay, waxaana ka dhashay barakac iyo xaalado bini’aadanimo, Sidoo kale Xiisada dagaalkaan ayaa si kululaaatay bilihii lasoo dhaafay. DFS ayaa dhankeeda ku baaqday in la joojiyo colaadaas.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *