Dawlada Soomaaliya oo lacag la’aan ka dhigtay adeegyada ay qabato warbaahinta Dawlada.

Published: November 11, 2019

Digreeto kasoo baxday xafiiska warfaafinta Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareye ayaa lagu sheegay in dhamaan adeegyada ay qabtaan hay’adaha warbaahineed ee dawlada ay yihiin kuwa lacag la’aan ah, dawladu ay mushahar u samaysay dhamaan shaqaaalaha dawlada, wasiir maareeye waxa uu sheegay in weli dawladu aysan gaarin isku filnaasho buuxa balse ay hadda ku guuleysteen daboolista baahiyaha shaqaalaha.

Wasiir Warfaafinta Soomaaliya waxa uu sheegay in cidii lagu qabto ama la oggaado iyagoo lacago qaadanaya ay dawlada talaabo sharciga waafqsan ka qaadi doontaan, dhanka kale waxay codsi u direen dhamaan hay’ada, shirkadaha iyo masuuliyiinta dawlada in ay soo wargeliyaan cidii waydiisata lacagta.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *