Dawlada Soomaaliya oo sheegtay in gabar ajnabi ah xoog looga soo furtay Alshabaab.

Published: May 11, 2020

Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in si xoog ah ururka Alshabaab looga soo furtay Silvia Constanca Romano oo ah gabar samafale ah oo u dhalatay Dalka Italy taas oo sanad iyo bar lagu haystay gudaha Soomaaliya, gacanta ay ku hayeen Ururka Alshabaab.

Silvia ayaa dhawr maalin ka hor la keenay Magaalada muqdisho, waxayna shalay dib ugu laabatay Magaalada Rome ee Caasimada Dalka Italy halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen Raysal-wasaaraha Talyaanigga iyo Qoyskeeda.

Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Soomaaliya Dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay in si xoog ah lagu soo furtay Silvia ” Waxaa lagu sii daayey howl-gal habeenkii Jimcaha ka dhacay meel 30 KM u jirta magaalada Muqdisho, kaasi oo ay si wajir ah u fuliyeen ciidamada sirdoonka Soomaaliya, talyaaniga iyo Turkiga” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *