Dawladda Jarmalka oo dalkeeda ka eriday safiirka waddanka Jaad u fadhiday dalkaas

Published: April 12, 2023

Dawladda Jarmalka ayaa 48 saacadood u qabtay in ay dalkeeda kaga baxdo Maryama Cali Muuse oo ahayd safiirka waddanka Jaad u fadhiday dalka Jarmalka.

Xukuumadda Baarliin ayaa sheegtay in tan lagaga jawaabayo tallaabadii ay dawladda Jaad toddobaadkii hore ku eriday danjirohoodii Gordon Kricke.

Jaad ayaa Gordon Kricke ku eedeysey in uu u dhaqmay si ka baxsan Diblumaasiyadda iyo shaqadii loo igmaday.

Tallaabadan ayaa cirka kusii shareeri doonta khilaafka Diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal ee Jarmalka iyo Jaad.

Horseed Media