Dawladda Soomaaliya oo sheegtay in Al-Shabaab muddo kooban looga saari doono dalka

Published: March 29, 2023

Dawladda Soomaaliya oo ka hadashay wejiga labaad ee hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sheegtay in looga dan leeyahay in guud ahaan dalka laga saaro Ururkan.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Kamaal Daahir Xasan Guutaale ayaa sheegay in dadka iyo dawladda Soomaaliyeed ay suurtogeliyeen guulaha ay ciidanku ku gaareen muddo kooban.

Sidoo kale La-taliyaha waxa uu sheegay in al-Shabaab ay la dagaallamayaan dhalinyaro askar ah oo Soomaaliyeed oo si wanaagsan u tababaran, dagaalkana yaqaan.

Dawladda Soomaaliya ayaa toddobaadkan sheegtay in wejigii hore ee gulufka ka dhanka ahaa Al-Shabaab lagu dilay in ka badan 3 kun oo ah Xubnood, laguna dhaawacay 3700 kale.

Horseed Media