Deegaanka Burka Diirimeed oo uu ka furmayo Shir dib u heshiisiin ah

Published: July 28, 2023

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan ayaa gaaray deegaanka Burka Diirimeed oo ay kusoo dhoweeyeen Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Imaam Daahir Imaam Maxamuud, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo Mas’uuliyiin kale.

Deegaankaan waxaa berri ka furmaya Shirka Dib u Heshiisiinta ee u dhaxeeya Beelihii Walaalaha ahaa ee dhowaan ku dagaallamay deegaanno u dhaxeeya Degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle