Deegaanka Qod-Qod ee lagala wareegay AlShabaab

Published: July 21, 2021

Ciidanka xoogga dalka, Daraawiishta iyo Nabadsugidda Galmudug oo wada jira ayaa Argagixisada Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Qodqod oo hoos taga degmada Xarar-dheere ee gobolka Mudug.

Taliyaha ciidanka Dhulka Xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo howlgalka hogaaminaya ayaa ciidanka ku ammaanay guusha ay ka gaareen baacsiga cadawga.

Dhanka kale Taliyuhu waxaa uu ciidanka ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidda Carafo iyo guulaha ay ka gaareen maleeshiyada Al-Shabaab.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *