Qiyaastii 20 askeri ayaa ku dhintey qarax ka dhacay saldhig ciidan oo ku yaala Muqdisho

Published: July 24, 2023

Ugu yaraan 20-askari ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo subaxnimadii hore ee maanta lagu qaaday dugsiga tababarka ciidamada ee xeradii horey loogu yaqaaney Jaalle Siyaad.

Qaraxa oo loo malaynayo inuu fuliyey qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray oo dareeska ciidamada xirnaa, ayaa beegsaday ciidan saf ku jiray oo ku sugnaa xerada, sida illo wareedyo madaxbannaan ay warbaahinta u sheegeen.

Qof goobjoog ah ayaa sheegay inuu arkay askar dhaawacyo soo gaareen oo laga soo saarayo xerada, Sarkaal kale oo didey in magiciisa la sheego ayaa sheegaya in dhimashadu gaareyso ku dhawaad 20 askeri oo kamid ahaa kuwii safka ku jirey markii qaraxu dhacay.

Ilaa hadda ma cadda sida ay ugu suuragashay in qofka is qarxiyay uu gudaha u galo mid ka mid ah xarumaha ugu ammaanka badan caasimadda. Si kastaba ha ahaatee, weerarkan ayaa dhaliyay su’aalo culus oo ku saabsan ammaanka saldhigga iyo awoodda ay dowladda Soomaaliya u leedahay inay muwaadiniinteeda ka difaacdo weerarrada argagaxisada ah.

Horseed Media