Degmada Bosaso oo 4 Xaafadood Loo Qaybiyay

Published: June 13, 2020

Maamulka Dowlada hoose ayaa maanta soo bandhigay qorshe afar xaafadood loogu qaybiyay degmamada Bosaso, kuwasoo kala aha Bander-qasim,Biyo Kulule,Buurcad iyo Baalade,

Qorshahan ayaa isugu jira Maamul-baahinta Iyo Adeeg bixinta aas aasiga si bulshadu u helaan adeegyada aas aasiga . waxaana qorshahaas Daah-furkiisa Goob-joog ahaa wasiiro,Wasiiro-dowle,Gudoomiyaha Gobalka iyo k/xigeenadiisa, Taliyaha Qeybta,xildhibaanada golaha Degaanka, Xoghayaha Dowlada hoose iyo marti sharaf kale.

Duqa degmada Bosaso Abdisalaam Bashir Abdisalaam oo ka hadlay munaasabadii daahfurka qorshana ayaa sheegay in a

“”maamul-baahintu waa hormarka Bulshada qeybaheeda kala duwan si toosana waxay u helayaan adeegyada ay bixiso Degmadu xafiisyaduna way badanayaan oo dadkii masoo gaari karaan xarunta Dowlada hose marka sidaas ayaanu u sameyney maamul baanita waana qorshe ay ansixiyeen Golaha Degaaanku Dowlada Dhexena ay nagu raacdey”

Munaasabadda waxaa kaloo hadalo ka jeediyay Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Guddoomiyaha gobolka Bari C/samad Abwaan iyo masuuliyiin kale

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *