Waxaa manta si rasmi ah loo fariisiyey Golaha Deegaanka ee degmada Dangoroyo kuwaas oo ku soo…
Waxaa manta si rasmi ah loo fariisiyey Golaha Deegaanka ee degmada Dangoroyo kuwaas oo ku soo baxay doorashadii Bishii Luuliyo 2024.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Farax Juxaa ayaa si rasmi ah u furay fadhigii u horeeyey ee golaha deegaanku yeeshey kaas oo lag dhaarinaayey.
Afarta Xisbi ee Kaah, Mideeye, Runcad iyo Shaqaalaha ayaa horey uga heshiiyey dhismaha maamulka degmadan, waxaana loo dhaariyey guddoomiyaha degmada Dangoroyo.
Guddoomiyaha Degmada Dangorayo ee Gobolka Nugaal waxaa ku guulaystay Mudane Xaamid Axmed Xaaji oo ka soo baxay Xisbiga Kaah. sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka waxaa ku guulaystay Axmed Ciise Saciid oo ka soo baxay Xisbiga Mideeye.
Weli waxaa dhiman magaalooyin dhawr ah oo horey looga qabtey doorashooyinkii qof iyo cod kuwaas oo aan maamul loo dhisin .
HORSEED MEDIA