Degmada Dhuusa-mareeb oo maamul cusub loo magacaabay.

Published: March 11, 2020

Axmed Cabdi Kaariye Madaxweynaha Galmudug ayaa maamul cusub u magacaabay degmada Dhuusamareeb oo ah caasimadda dowlad goboleedka Galmudug. Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Qoorqoor ayaa lagu magacaabay afar xubnood oo kala gudoomiyaha magaalada Dhuusamareeb, labo guddoomiye ku-xigeen iyo xoghaye.

Cabdiraxmaan Cali Maxamed ayaa loo magacabaay Guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb waxa halka guddoomiye ku xigeeno loo magacaabay Cabdi Xaashi Caroole iyo C/xakiin Cabdulaahi Warsame,sidoo kale xoghayaha maamulka degmada ayaa loo magacaabay Cabdicasiis Faarax Aadan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *