Degmada Maxaas oo laga dhagax dhigay garoon diyaaradeed

Published: August 20, 2022
Shares78

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweyne Ku Xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta Degmada Maxaas ka dhagax dhigay garoon diyaaradeed oo halkaas laga hirgalin doono.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa sheegay in dhismaha Elaboorkaan uu muhiim u yahay bulshada Magaalada.

Sidoo kale Madaxweynaha waxa uu ugu baaqay dhamaan shacabka degmada Maxaas inay u istaagaan dhismaha Elaboorkaan.

Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenkiisa ayaa degmada Maxaas u tegay u kuurgalka xaaladaha nolosha dadka ku nool degmadaasi oo aan wax isgaarsiin ah ka shaqeyn ku dhowaad seddex todobaad.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *