Degmada Ufeyn oo lagu soo gaba-gabeeyey Nedwo ka koobnayd afar Muxaadaro-Sawiro

Published: February 21, 2018

Waxaa lugu soo gaba-gabeeyay Degmada Ufeyn nadwadii ugu horreysay ee degmada si rasmiya uga dhacda. Cinwaanka nadawada wuxuu ahaa “Toosnaanta” (Ϻ┘äÏÑÏ│Ϭ┘éϺ┘àÏ®) waxayna socotay saddex habeen. Waxay nadwadu ka koobnayd afar maxaadiro iyo su`aalo bulshada loo furay inay culimada weydiiyaan. Canaawiinta nadwada iyo culimada ka qeyb-qaadatay waxay kala ahaayeen sidatan soo socota:

1- Sh. Axmed Daahir – Ϻ┘äÏÑÏ│Ϭ┘éϺ┘àÏ® ┘ê┘êÏ│ϺϪ┘ä Ϻ┘äϽϿϺϬ Ï╣┘ä┘è┘çϺ

2- Sh. Cabdiraxmaan Bukhaari – Ϻ┘ä┘àÏ╣ϺÏÁ┘è ┘êÏúϽÏ▒┘çϺ ┘ü┘è Ϻ┘ä┘àϼϬ┘àÏ╣

3- Sh. Cismaan Maxamuud Xaaji – Ϻ┘ä┘àÏ«Ï»Ï▒ϺϬ ┘êÏúÏÂÏ▒ϺÏ▒┘çϺ

4- Sh. Maxamad Macalin Axmed – Ϻ┘äÏ▒ϿϺ ┘à┘üϺÏ│Ï»┘ç ┘êÏóϽϺÏ▒┘ç

Furitaanka nadwada waxaa ka soo qeybgalay gudoomiyaha degmada Ufayn Cali Jaamac Jibriil, Beeldaaje Cali Faarax iyo culumada nadwada ka qaybgalaysay. Isla habeenkaas waxaa maxaadaradii ugu horreysay ee nadwada soo jeediyay Sh. Axmed Daahir isagoo ka hadlay toosnaanta iyo sida loogu sugnaado.

Habeenkii ku xigay Sh. Cabdiraxmaan Bukhaari ayaa ka hadlay macaasida , dunuubta iyo raadadkooda, isla habeenkaasna waxaa maxaadaro 2aad soo jeediyay Sh. Cismaan Maxamuud dirir oo ka hadlay maandooriyaha iyo dhibaatooyinkiisa.

Habeenkii 3-aad wuxuu isugu jiray muxaadaro Sh. Maxamad Macalin uu soo jeediyay iyo su`aalo dadweynaha uu uga jawaabayay.

Ugu danbeyntii waxaa lugu soo gunaanaday xaflad ay ka qaybgaleen isimo, odayaal, madaxda degmada iyo gobolka iyo marti sharaf kale oo badan. Xaflada waxaa ka hadlay guddoomiyaha mu`asasada Al-Minhaaj faraca Bari Xasan Cabdillaahi Sh. Xasan, guddoomiye ku xigeenka gobolka Bari Axmed Cirro, wasiirkii hore Yaasiin Cartan, guddomiyaha degmada Ufayn Cali Jaamac Jibriil, Sh. CabdiRisaaq Xaydari, Beeldaaje Cali Faarax.

Madaxdii halkaas ka hadashay ayaa aad usoo dhaweeyey nadwada ,waxayna aad u codsandeen in lagu soo celceliyo nadwooyinka noocaan ah.

Nadwada ayaa kusoo gabagabowday jawi aad u wanaagsan, dadweynuhuna aad ayay uga soo qayb galeen nadwada.

-DHAMAAD-

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *