Dekadda Degmada Baraawe oo markii ugu horeysay ku soo xirtay Markab

Published: January 26, 2018

Dekedda Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa markii ugu horeysay waxaa ku soo xirtay Markab Saanad Milateri u siday Ciidamada AMISOM .

Waxaa ku sugnaa Dekadda Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Cali Aadan Najax iyo Saraakiil ka tirsan AMISOM. Xilliga uu Markabka ku soo xiranayay Dekeda Baraawe

Ibraahim Najax Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in markabkan uu saanad iyo sahay u siday Ciidamada AMISOM iyo Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Degmada Baraawe

Sidoo kale waxaa uu sheegay Gudoomiyaha in dhowaan dayactir ku sameyn doonaan garoonka diyaaradaha Baraawe, si uu uga qeyb qaadato baahiyaha ka jira Degmada Baraawe.

…Waxaa Dekadda Baraawe Ku soo Xirtay Markab Sida Saadka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM “ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose.

Degmada Baraawe ayaa ah xarunta maamulka Koofur-Galbeed Soomaaliya.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *