Madaxweyne Deni: “… Aniga la iima dooran beelaha isu keenkooda iyo heshiisiikooda ….”

Published: July 30, 2022

Madaxweynaha Puntland oo munaasabad ka dhacdey magaalada Garoowe ka qaybgalay ayaa khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa ka jeediyey. Munaasabadda ayaa la xiriirtey soo bandhigida wax ka qabashada wadada dheer ee isku xirta Puntland.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa Golaha Wakiilada ee Puntland ku amanaaey in ay Golihiisi wasiirada la xisaabatamayaan, arintaasi ay tahay shaqo aad u wanaagsan oo la doonaayo in Soomaalida kale ay kaga daydaan. Golaha wakiilada ayaa maanta u codeeyey in kalfadhigu sii socdo kadib fasaxa maalmaha Puntland, arrintaas oo sida Horseed Media fahansantahay Madaxweyne Deni ka soo horjeedey, sababta ugu weyn ayaa ah wax ka qabashada garsoorka iyo natiijada la xisaabtanka xukuumadda oo laba guddi loo saarey.

Beelaha heshiisiintooda?

Si lamid ah Soomaalida kale Puntland waa beelo, la doonaayo in ay nabad kuwada nooladaan, wada jirna uga shaqeeyaan hormarka, waxaa aad u soo noqnoqdey dagaalada beelaha, taas oo caqabad weyn ku ah horumarka, amniga iyo isu socodka bulshada.

Madaxweyne Deni oo arrintaas ka hadlaaya ayaa yiri waxaa la igu eedeyaa waxba kama qabatid arrimaha beelaha, arrimahaas waxaa ka shaqeyn jirey Cabdullaahi Yusuf iyo Cadde Muuse aniga horumarka ayaa la ii doortey beelo dirira la iima dooran in aan wax ka qabto.

Dagaalada caynkan oo kale ah dunida waa ka dhacaan, waxayna u dhacaan mararka qaarkood iyaga oo qawmiyado salka ku haya, halka mararka qaarkoodna ay isir salka ku hayaan, laakiin waxaa ka hortaga oo xakameeya dowladahooda, dagaalada caynkan oo kale ah waxay gallaafan karaan dowladnimada.

Todobaadkii hore ayey ahayd markii Madaxweyne Deni meel fagaare ah ka yiri, dalka Sicir barar ayaa ka jira, maciishadiina waa qaaliyowdey, waxana kama qaban karno, amniga iyo dhaqaaluu waa labada tiir ee ugu weyn ee la doonaayo in Dowaldnimo wax looga qabto.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *