Deni: “Farmaajo Wuxuu Jebiyey Qodobo Dastuuri ah” -VIDEO

Published: July 27, 2020

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa ka hadlay shirkii ka dhacay magaalada Dhusuamareeb iyo wax uu ku tilmaamey Dhulgiriir siyaasadeed oo lagu majaxaabinaayo shirkii wanaagsanaa ee Dhusuamareeb ku soo xirmey.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si furan uga xog-waremay waxyaabihii qarsoona ee aan saxaafadda lala wadaagin markii lagu sugnaa Dhuusamareeb, kadib markii ay u muuqatey in Madaxweyne Farmaajo ku wacad furey daacadna ka ahayn shirkii Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Puntland waxa uu qirey in Farmaajo la qaatey qaabka doorasho ee dalka ka dhacaysa in ay noqoto mid u dhexeysa tii 2016 iyo midda uu rabey ee ah hal qof iyo hal cod, si kale haddii loo dhigo doorasho dadban oo ka wanaagsan tii 2016, laakiin nooca ay tahay ayaan magac siin kari weyney waxaana ku heshiiney in guddi loo saaro dejiya qaabka ayuu yiri.

Runtiin khudbadihii niyad wanaaga ahaa ee aan ka jeediney xiritaankii shirka, waxay calaamad u ahaayeen sidaan u dooneyno in wada shaqeyn wanaagsan lagu galo doorashooyinka, laakiin Madaxweynuhu waxa uu jeediyey khudbad tilmaan ka bixineysey halka uu u socdey iyo dhulgaririirka dhacay.

Madaxweyne Deni ayaa yiri annaga oo jidka ku soo jirna ilaa Cadaado, wixii dhacay ee ka dhacay Baarlamaanka waxay ahayd Dhulgiriir siyaasadeed oo lagu majaxaabinaayo shirkii Dhuusamareeb, waxay ahyd sharci darro qaabka loo marey in Raysalwasaaraha xilka laga qaado.

Raysalwasaare Kheyre ayuu ku tilmaamey nin aad daacad uga ahaa shirka Dhuusamareeb doonaayey in uu qabto doorasho wakhtigeeda ku dhacda, waxaana u arkeynaa waxa dhacay in uu sababsadey niyaddiisi wanaagsaneyd ee uu shirka la joogey.

Dhanka kale waxa uu nasiib darro ku tilmaamey in Madaxweynuhu soo dhaweeyo wax sharci ku dhisneyn kadibna uu jebiyo dastuurka gaar ahaan qodobka 103 oo uu magacaabey raysalwasaare kumeelgaar ah, Madaxweynhu waxa uu ku xadgudbey dasuurkii dalka u yaaley, sharcigana ma dhawrin ayuu yiri.

Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu dib u bartey Madaxweyne Farmaajo,sidaas darteed uu u jeediyey khudbadda caynkan ah si aan Madaxweyne Farmaajo mar kale dadka u marin habaabin isaga oo ka hadlaya wixii Dhuusamareeb ka dhacay, sidsa uu sameeyey fashilkii shirkii Garoowe bishii May 2019.

Hoos ka dawo khudbadda madaxweynaha Puntland

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Miskiin deni hadal danbe in uusan kuu harin ayaan moodayey somaliduna waxay ku maahmaahdaa hubsiimo hal baa la siistaa, maanta cidna kaa yeeli mayso afkaad ku amaantay in aad ku dhaliilto. Maxaad u hubsan wayday inta aad amaan kala dul dhacay say?